Tuesday, December 13, 2016

Shacabka Awdal oo Dhoollo-tus la yaableh ku soo Dhaweeyey Murrashaxiinta KULMIYE


Shacabka Awdal oo Dhoollo-tus la yaableh ku soo Dhaweeyey Murrashaxiinta KULMIYE


dsc_6408
Boorama - Shacabweynaha ku dhaqan Gobolka Awdal, ayaa dhuullo-tus layaab leh ku muujiyey taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbal-xaakimka KULMIYE, kadib markii wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa xilkaasi ee mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabbdilaahi Ismaaciil(saylici) oo uu wehelinayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi ay socdaal ku tageen magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama iyo deegaannada dhinaca bariga kaga teedsan.
Weftiga oo ay qayb ka yihiin xubno hoggaanka sare ee ULMIYE ah, wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa taageerayaashu kaga horyimaadeen deegaanka degmada Dila, halkaas oo magaalada Dila loo dhigay roogga Cas ee lagu maamuuso madaxda, waxaanna madaxdu salaam la dhex qaadeen boqolaal dadweyne ah oo safaf dhaadheer ugu jiray jidka way nee laamida ah. Sidoo kalena, soo dhawayntaas oo kale waxay weftigu kala kulmeen inta u dhexaysa Dila ilaa Boorama, gaar ahaan deegaannada Tulli iyo Goroyo Cawl.
Soo dhawaynta u waynayd oo ka dhacday magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo duleedkeeda lagaga hortagay weftiga, iyadoo markii dambena loo galbiyey fagaaraha wayn ee Khayriyada oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne u heellan xisbal-xaakimka Somaliland oo lulayey calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE.

No comments:

Post a Comment