Saturday, February 4, 2017

PM Desalegn


Desalegn 


Hailemariam-Desalegn
Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay inuu Somaliland ka dhaxeeyo iskaashi kala duwan oo la xidhiidha dhinacyada nabad-gelyadda iyo ganacsiga. Waxaanu xusay in ammaanka dalkiisu ku xidhan yahay Somaliland oo ay yihiin jaar.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, waxa uu sheegay in kasta oo Somaliland aanay ahayn dal la aqoonsan yahay, haddana ay la macaamilaan maadaama oo sida uu tilmaamay aan la kala saari karinba labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya.
Md. Hailemariam Desalegn, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyay Suxufiga caanka ah ee Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka tirsan TV-ga Universal, waxaanu waraysigaasi kula yeeshay dhawaan Magaalada Jig-jiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Hoggaamiyaha Itoobiya waxa uu ku dooday in arrinta Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay go’aan ka gaadhisteedu mid u taalla shacabka labada dhinac.
Ra’iisul-wasaaraha oo la weydiiyay in siday iskugu wadi karaan inay la macaamilaan Somaliland oo ay iskaashi la leeyihiin iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Waxaan marka hore odhan lahaa arrinta Soomaaliya iyo Somaliland inay tahay mid u taalla Soomaalida oo u khaas ah. Waxa si weyn ii dhiirigeliyay markii madaxweynaha imika tallada haya ee Soomaaliya uu bilaabay wada-hadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanay ila tahay inay wada-hadalladaasi noqdaan qaar macno leh, si loo xaliyo dhibaatadaasi sida ugu dhakhsaha badan ee suurto-galka ah. Laakiin inta ay arrintaasi dhacayso waa inaanu la macaamilaa Somaliland waayo waxaanu nahay deris aad iskugu dhow. Wax kasta oo Somaliland ka dhacayaanna wayna saameynayaan annaga Itoobiya ahaan.”
Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay in ammaankoodu ku xidhan yahay Somaliland. “Ammaankayagu wuxuu ku xidhan yahay Somaliland. markaa indhaha kama qarsan karno oo ma odhan karno oo ma odhan karno annagu shuqul kuma lihin waxyaabaha ka dhacaya Somaliland. taas ma odhan karno inkasta oo aanay ahayn dawlad la aqoonsan yahay. Laakiin waa inaanu la macaamilaa dawladooda.
Waa inaanu la yeelannaa xidhiidh dhinaca ammaanka ah iyo ganacsiga oo soohdimaha iskaga gudba oo dadkayagu ay wada ganacsadaan. Sababtuna waxa weeye lamaba qaybin karayo labadayada shacab,”ayuu yidhi Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, waxaanu intaas ku daray; “Somaliland iyo Soomaaliya, labadaba wada shaqeyn ayaa naga dhaxaysa oo waxa jira waxyaabo badan oo naga dhaxeeya. Waxa jira dekadda Berbera oo aanu isticmaalaynay tobanaan sannadood. Mana aha ah inaanu joojino isticmaalka marsadda Berbera. Markaa macaamilada naga dhaxaysa annaga iyo Somaliland waxay ku salaysan tahay qaab ku-meel gaadh ah uun.”
Hailemariam Desalegn, oo la weydiiyay sida uu u arko in Somaliland muddo dheer ay doonaysay inay go’do Soomaaliya oo beesha caalamkuna ay qaddiyadooda ku soo riixaan dalalka gobolka oo dalkiisu ku jiro, waddamada mandaqaduna ay arrintooda iskaga isu sii dhaafiyaan Soomaalida. Waxaanu arrintaasi kaga jawaabay, “Waxay ila tahay inaanu rumaysanahay oo aaminsannahay in arrinta aayo ka talintu ay tahay mid u taalla dadka,waana sababtaasi waxa aanu ugu riixayno dadka Soomaalida, waana in dawladaha Soomaalidu ay wada xaalaan oo ay dadka siiyaan xuquuqda ay leeyihiin, waana kuwa ay tahay Somaliland iyo Soomaaliyaba inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Xataa beesha caalamku kuma soo riixi karaan arrintan dalalka gobolka ee kale, waayo ma aha arrin aanu awood u leenahay inaanu ka tallo-bixinno oo aanu go’aan ka gaadhno.Go’aan-na uma gaadhi karno ummadda Soomaalida, 
XIGASHO SOMALILAND.ORG/

Saturday, December 17, 2016

Shirka WADDANI ee Nairobi & Shakiga Shacbiga Somaliland



waddaniga-wayn

Waxa soo xoogaystay shakiga iyo walaaca fallanqeeyeyaasha siyaasadda iyo shacbi-weynuhuba wax iskaga weydiinayaan dhaqdhaqaaqa olole ee xisbiga WADDANI ka bilaabay dalka dibadiisa, gaar ahaan dalalka Kenya iyo Ingiriiska, shirarkaas oo qasdigoodu yahay inay dawladaha adduunka ka dhaadhicinayaan fikrado siyaasadeed oo ay ugu talo-galeen inay ku wiiqaan sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan kobcinta nidaamka dimoqraadiyadda.
Hadal haynta maalmahan, waxa fagaareyaasha barkulanka bulshada haystay faaqidaada halista natiijada taban ee ka dhalan karta saymaha xisbigaasi u soohayo qarannimadda Somaliland. waxa dhiilada rayul caamka dhaliyay Hoggaanka WADDANI , musdambeedkooda iyo qoor-weynta xisbiga oo muddo ka badan toddobaad booqasho aan ujeeddadeeda la fasirin ku jooga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, masuuliyiintaasi oo ah sagaal xubnood, waxay maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeesheen qaar ka mid ah safaaradaha dunida reer galbeedka ee fadhigoodu yahay magaaladda Nairobi, iyadoo la soo weriyay inay u gudbiyeen ashkatooyin been abuur ah oo ay xukuumadda Somaliland ku eedeynayaan inay doonayso in mar kale dib loo dhigo doorashada madaxtooyada ee ku muddeysan inay dalka ka qabsoonto 28-ka Bisha March.
Saraakiisha xisbiga WADDANI waxay sheegeen inay la kulmeen lix Safaradood oo kala ah Midawga Yurub oo ay ka mid ahaayeen Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska, Denmark, Maraykanka iyo Urur Goboleedka IGAD, Murrashaxa madaxweynaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ay kala hadleen danjireyaashii ay la shireen gurmadka abaaraha Somaliland iyo sidii loo maareyn lahaa dhoofka xoolaha ee Sucuudigu joojiyay. Balse hadalkaasi waxa bulshadu ku macneysatay mid afgobaadsi ah oo aan dadka ka shaafiyi karin tobanaan su’aalood oo shirarkaas la xidhiidha oo ay ku sifeeyeen “Timir laf baa ku jirta.”
Wararka ka imanaya Nairobi, ayaa sheegay in safiirrada ay is arkeen ay u gudbiyeen qodobbo qarsoodi ah oo ay ka mid yihiin inay xukuumadda dusha ka saareen eedaymo samays ah oo ay ka mid tahay in dawladda KULMIYE u jeellan tahay in doorashadda madaxtooyadda dib u dhac kale ku yimaado, si muddo kordhin loogu sameeyo iyadoo food saaro ka dhiganaysa xaalladda abaaraha ka jira dalka.
Wax kale oo ka mid ah soo jeedimaha ay xisbiga WADDANI u qadimeen dawladihii ay la kulmeen in xukuumadda la saaro cadaadis diblomaasiyadeed oo la xidhiidha inaan la sameynin wax muddo kordhin ah oo kale. Arrintan waxa hadal haynteeda sii xoojiyay xajmiga weftiga culus ee ku sugan Nairobi oo ka kooban 8 qof oo kala ah Murrashaxa Madaxweynaha ahna Aasaasaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Hoggaamiyaha WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka WADDANI, Maxamed Cali Cabdi, Xoghayaha Arrimaha dibadda Maxamed Cismaan Fadal, Ismaaciil Hurre Buubaa, Maxamed Biixi Yoonis, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xildhibaan Maxamed Saalax Cigge, oo ka mid ah Mudaneyaasha aqalka wakiiladda kaga jira xisbigaas iyo Axmed Safiina.
Waxa kale oo weftiga labaad ee WADDANI ee u kicitimay Ingiriiska hoggaaminaya Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ay weheliyaan La-taliyaha Guddoomiyaha ee arrimaha dibadda, Faadumo Siciid Ibraahim iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw Xoog, oo ka mid ah Golaha Wakiiladda, waxaanay soo fulinayaan qorshe la mid ah kan ay ka wadaan Nairobi, iyadoo lagu wado inay qoraalo kala duwan u gudbiyaan xafiisyo cayiman oo ka tirsan dawladda Ingiriiska.
Waa markii ugu horreysay ee masuuliyiin xisbi oo tiradaas leegi mar qudha safar ugu kicitimaan dalka dibadiisa, iyadoo ay haawanayso xaruntii dhexe xisbiga WADDANI ku leeyahay magaaladda Hargeysa, maadaama Hoggaankii xisbiguba labadaas safar u kala baxeen, waxa xarunta xisbiga loo cidleeyay Xoghayaha guud Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, iyadoo horena looga saaray xisbiga Guddoomiye Ku-xigeenadii koowaad iyo labaad Axmed Muumin Seed iyo Xildhibaan Faarax Maxamed Cabdulle.
Si kastaba arrintu ha noqotee, waxa looga fadhiyaa xisbiga WADDANI inay ummada reer Somaliland u macneeyaan oo ka qanciyaan dhaqdhaqaaqoodanshakiga leh ee mar kaliya ay isu wada raaceen qoorweyntii xisbiga dambaabaysey. Kharashka ku baxay labadan safar ee mataanaha ah oo ah mid dhiig bax ku ah itlaalka dhaqaale ee xisbi mucaarid ah, ayaa ah mid su’aalo waaweyn oo kale ka dhalanayaan cidda maalgelisay, iyada oo dad badani aaminsan yihiin inay jiraan gacan dhaqaale oo dibadeed oo xisbigaas ka saaciday dhaqaalaha ay qorshahoodan kaga midho-dhalinayaan.
Weftiga WADDANI, wali lamay kulmin taageereyaashooda Kenya, taasina waxay caddeynaysaa inay ku foogan yihiin ujeeddooyin xaqiiqdoodu soo bixi doonto dharaaraha soo socda oo haddii xisbigaasi ummada u sharraxi waayaan dullucda safarkooda, dad badani ka gows adaygi doonaan inay taageeraan xisbigan guri dambayska ah ee hab dhaqanka cusub dalka ku soo kordhiyay oo ah inay ujeeddooyinkooda u soo dhiibaan dawlado shisheeye.
Xigahso............ somaliland.org/

Tuesday, December 13, 2016

Shacabka Awdal oo Dhoollo-tus la yaableh ku soo Dhaweeyey Murrashaxiinta KULMIYE


Shacabka Awdal oo Dhoollo-tus la yaableh ku soo Dhaweeyey Murrashaxiinta KULMIYE


dsc_6408
Boorama - Shacabweynaha ku dhaqan Gobolka Awdal, ayaa dhuullo-tus layaab leh ku muujiyey taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbal-xaakimka KULMIYE, kadib markii wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa xilkaasi ee mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabbdilaahi Ismaaciil(saylici) oo uu wehelinayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi ay socdaal ku tageen magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama iyo deegaannada dhinaca bariga kaga teedsan.
Weftiga oo ay qayb ka yihiin xubno hoggaanka sare ee ULMIYE ah, wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa taageerayaashu kaga horyimaadeen deegaanka degmada Dila, halkaas oo magaalada Dila loo dhigay roogga Cas ee lagu maamuuso madaxda, waxaanna madaxdu salaam la dhex qaadeen boqolaal dadweyne ah oo safaf dhaadheer ugu jiray jidka way nee laamida ah. Sidoo kalena, soo dhawayntaas oo kale waxay weftigu kala kulmeen inta u dhexaysa Dila ilaa Boorama, gaar ahaan deegaannada Tulli iyo Goroyo Cawl.
Soo dhawaynta u waynayd oo ka dhacday magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo duleedkeeda lagaga hortagay weftiga, iyadoo markii dambena loo galbiyey fagaaraha wayn ee Khayriyada oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne u heellan xisbal-xaakimka Somaliland oo lulayey calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE.

Monday, December 12, 2016

CLIMTE CHANGE [is bedelka cimilada]

Climate change is a change in the statistical distribution of weather patterns when that change lasts for an extended period of time (i.e., decades to millions of years). Climate change may refer to a change in average weather conditions, or in the time variation of weather around longer-term average conditions (i.e., more or fewer extreme weather events). Climate change is caused by factors such as biotic processes, variations in solar radiationreceived by Earth, plate tectonics, and volcanic eruptions. Certain human activities have also been identified as significant causes of recent climate change, often referred to as global warming.[1]
Scientists actively work to understand past and future climate by using observations and theoretical models. A climate record—extending deep into the Earth's past—has been assembled, and continues to be built up, based on geological evidence from borehole temperature profiles, cores removed from deep accumulations of icefloral and faunal records, glacial and periglacial processes, stable-isotope and other analyses of sediment layers, and records of past sea levels. More recent data are provided by the instrumental record. General circulation models, based on the physical sciences, are often used in theoretical approaches to match past climate data, make future projections, and link causes and effects in climate change.

                 https://sanaagtodaypres.blogspot.com/

Environmental degradation

Environmental degradation is the deterioration of the environment through depletion of resources such as airwater and soil; the destruction of ecosystems and the extinction of wildlife. It is defined as any change or disturbance to the environment perceived to be deleterious or undesirable.[1] As indicated by the I=PAT equation, environmental impact (I) or degradation is caused by the combination of an already very large and increasing human population (P), continually increasing economic growth or per capita affluence (A), and the application of resource depleting and polluting technology (T).[2][3]
Environmental degradation is one of the ten threats officially cautioned by the High-level Panel on Threats, Challenges and Change of the United Nations. The United Nations International Strategy for Disaster Reduction defines environmental degradation as "The reduction of the capacity of the environment to meet social and ecological objectives, and needs".[4] Environmental degradation is of many types. When natural habitats are destroyed or natural resources are depleted, the environment is degraded. Efforts to counteract this problem include environmental protection and environmental resources management.

Sunday, December 11, 2016

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo boorama tegey

mr saylic madaweyne ku xigeenka iyo musharax xisbiga talada haya dalka somaliland iyo wufuuf baladhan oo booqasho ku tegay gobolka awdal magalo madaxdiisa borama oo si aan caadi ahayn loo soo dhoweyey ayaa shacabka kala hadlay goob fagaare ah
taaso ay in badan xaladaha dalka uga waramayey iyo abaaraha ka jira gobolada bariga somaliland.


BY..https://sanaagtodaypres.blogspot.com/