Saturday, December 17, 2016

Shirka WADDANI ee Nairobi & Shakiga Shacbiga Somaliland



waddaniga-wayn

Waxa soo xoogaystay shakiga iyo walaaca fallanqeeyeyaasha siyaasadda iyo shacbi-weynuhuba wax iskaga weydiinayaan dhaqdhaqaaqa olole ee xisbiga WADDANI ka bilaabay dalka dibadiisa, gaar ahaan dalalka Kenya iyo Ingiriiska, shirarkaas oo qasdigoodu yahay inay dawladaha adduunka ka dhaadhicinayaan fikrado siyaasadeed oo ay ugu talo-galeen inay ku wiiqaan sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan kobcinta nidaamka dimoqraadiyadda.
Hadal haynta maalmahan, waxa fagaareyaasha barkulanka bulshada haystay faaqidaada halista natiijada taban ee ka dhalan karta saymaha xisbigaasi u soohayo qarannimadda Somaliland. waxa dhiilada rayul caamka dhaliyay Hoggaanka WADDANI , musdambeedkooda iyo qoor-weynta xisbiga oo muddo ka badan toddobaad booqasho aan ujeeddadeeda la fasirin ku jooga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, masuuliyiintaasi oo ah sagaal xubnood, waxay maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeesheen qaar ka mid ah safaaradaha dunida reer galbeedka ee fadhigoodu yahay magaaladda Nairobi, iyadoo la soo weriyay inay u gudbiyeen ashkatooyin been abuur ah oo ay xukuumadda Somaliland ku eedeynayaan inay doonayso in mar kale dib loo dhigo doorashada madaxtooyada ee ku muddeysan inay dalka ka qabsoonto 28-ka Bisha March.
Saraakiisha xisbiga WADDANI waxay sheegeen inay la kulmeen lix Safaradood oo kala ah Midawga Yurub oo ay ka mid ahaayeen Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska, Denmark, Maraykanka iyo Urur Goboleedka IGAD, Murrashaxa madaxweynaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ay kala hadleen danjireyaashii ay la shireen gurmadka abaaraha Somaliland iyo sidii loo maareyn lahaa dhoofka xoolaha ee Sucuudigu joojiyay. Balse hadalkaasi waxa bulshadu ku macneysatay mid afgobaadsi ah oo aan dadka ka shaafiyi karin tobanaan su’aalood oo shirarkaas la xidhiidha oo ay ku sifeeyeen “Timir laf baa ku jirta.”
Wararka ka imanaya Nairobi, ayaa sheegay in safiirrada ay is arkeen ay u gudbiyeen qodobbo qarsoodi ah oo ay ka mid yihiin inay xukuumadda dusha ka saareen eedaymo samays ah oo ay ka mid tahay in dawladda KULMIYE u jeellan tahay in doorashadda madaxtooyadda dib u dhac kale ku yimaado, si muddo kordhin loogu sameeyo iyadoo food saaro ka dhiganaysa xaalladda abaaraha ka jira dalka.
Wax kale oo ka mid ah soo jeedimaha ay xisbiga WADDANI u qadimeen dawladihii ay la kulmeen in xukuumadda la saaro cadaadis diblomaasiyadeed oo la xidhiidha inaan la sameynin wax muddo kordhin ah oo kale. Arrintan waxa hadal haynteeda sii xoojiyay xajmiga weftiga culus ee ku sugan Nairobi oo ka kooban 8 qof oo kala ah Murrashaxa Madaxweynaha ahna Aasaasaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Hoggaamiyaha WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka WADDANI, Maxamed Cali Cabdi, Xoghayaha Arrimaha dibadda Maxamed Cismaan Fadal, Ismaaciil Hurre Buubaa, Maxamed Biixi Yoonis, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xildhibaan Maxamed Saalax Cigge, oo ka mid ah Mudaneyaasha aqalka wakiiladda kaga jira xisbigaas iyo Axmed Safiina.
Waxa kale oo weftiga labaad ee WADDANI ee u kicitimay Ingiriiska hoggaaminaya Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ay weheliyaan La-taliyaha Guddoomiyaha ee arrimaha dibadda, Faadumo Siciid Ibraahim iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw Xoog, oo ka mid ah Golaha Wakiiladda, waxaanay soo fulinayaan qorshe la mid ah kan ay ka wadaan Nairobi, iyadoo lagu wado inay qoraalo kala duwan u gudbiyaan xafiisyo cayiman oo ka tirsan dawladda Ingiriiska.
Waa markii ugu horreysay ee masuuliyiin xisbi oo tiradaas leegi mar qudha safar ugu kicitimaan dalka dibadiisa, iyadoo ay haawanayso xaruntii dhexe xisbiga WADDANI ku leeyahay magaaladda Hargeysa, maadaama Hoggaankii xisbiguba labadaas safar u kala baxeen, waxa xarunta xisbiga loo cidleeyay Xoghayaha guud Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, iyadoo horena looga saaray xisbiga Guddoomiye Ku-xigeenadii koowaad iyo labaad Axmed Muumin Seed iyo Xildhibaan Faarax Maxamed Cabdulle.
Si kastaba arrintu ha noqotee, waxa looga fadhiyaa xisbiga WADDANI inay ummada reer Somaliland u macneeyaan oo ka qanciyaan dhaqdhaqaaqoodanshakiga leh ee mar kaliya ay isu wada raaceen qoorweyntii xisbiga dambaabaysey. Kharashka ku baxay labadan safar ee mataanaha ah oo ah mid dhiig bax ku ah itlaalka dhaqaale ee xisbi mucaarid ah, ayaa ah mid su’aalo waaweyn oo kale ka dhalanayaan cidda maalgelisay, iyada oo dad badani aaminsan yihiin inay jiraan gacan dhaqaale oo dibadeed oo xisbigaas ka saaciday dhaqaalaha ay qorshahoodan kaga midho-dhalinayaan.
Weftiga WADDANI, wali lamay kulmin taageereyaashooda Kenya, taasina waxay caddeynaysaa inay ku foogan yihiin ujeeddooyin xaqiiqdoodu soo bixi doonto dharaaraha soo socda oo haddii xisbigaasi ummada u sharraxi waayaan dullucda safarkooda, dad badani ka gows adaygi doonaan inay taageeraan xisbigan guri dambayska ah ee hab dhaqanka cusub dalka ku soo kordhiyay oo ah inay ujeeddooyinkooda u soo dhiibaan dawlado shisheeye.
Xigahso............ somaliland.org/

Tuesday, December 13, 2016

Shacabka Awdal oo Dhoollo-tus la yaableh ku soo Dhaweeyey Murrashaxiinta KULMIYE


Shacabka Awdal oo Dhoollo-tus la yaableh ku soo Dhaweeyey Murrashaxiinta KULMIYE


dsc_6408
Boorama - Shacabweynaha ku dhaqan Gobolka Awdal, ayaa dhuullo-tus layaab leh ku muujiyey taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbal-xaakimka KULMIYE, kadib markii wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa xilkaasi ee mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabbdilaahi Ismaaciil(saylici) oo uu wehelinayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi ay socdaal ku tageen magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama iyo deegaannada dhinaca bariga kaga teedsan.
Weftiga oo ay qayb ka yihiin xubno hoggaanka sare ee ULMIYE ah, wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa taageerayaashu kaga horyimaadeen deegaanka degmada Dila, halkaas oo magaalada Dila loo dhigay roogga Cas ee lagu maamuuso madaxda, waxaanna madaxdu salaam la dhex qaadeen boqolaal dadweyne ah oo safaf dhaadheer ugu jiray jidka way nee laamida ah. Sidoo kalena, soo dhawayntaas oo kale waxay weftigu kala kulmeen inta u dhexaysa Dila ilaa Boorama, gaar ahaan deegaannada Tulli iyo Goroyo Cawl.
Soo dhawaynta u waynayd oo ka dhacday magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo duleedkeeda lagaga hortagay weftiga, iyadoo markii dambena loo galbiyey fagaaraha wayn ee Khayriyada oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne u heellan xisbal-xaakimka Somaliland oo lulayey calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE.

Monday, December 12, 2016

CLIMTE CHANGE [is bedelka cimilada]

Climate change is a change in the statistical distribution of weather patterns when that change lasts for an extended period of time (i.e., decades to millions of years). Climate change may refer to a change in average weather conditions, or in the time variation of weather around longer-term average conditions (i.e., more or fewer extreme weather events). Climate change is caused by factors such as biotic processes, variations in solar radiationreceived by Earth, plate tectonics, and volcanic eruptions. Certain human activities have also been identified as significant causes of recent climate change, often referred to as global warming.[1]
Scientists actively work to understand past and future climate by using observations and theoretical models. A climate record—extending deep into the Earth's past—has been assembled, and continues to be built up, based on geological evidence from borehole temperature profiles, cores removed from deep accumulations of icefloral and faunal records, glacial and periglacial processes, stable-isotope and other analyses of sediment layers, and records of past sea levels. More recent data are provided by the instrumental record. General circulation models, based on the physical sciences, are often used in theoretical approaches to match past climate data, make future projections, and link causes and effects in climate change.

                 https://sanaagtodaypres.blogspot.com/

Environmental degradation

Environmental degradation is the deterioration of the environment through depletion of resources such as airwater and soil; the destruction of ecosystems and the extinction of wildlife. It is defined as any change or disturbance to the environment perceived to be deleterious or undesirable.[1] As indicated by the I=PAT equation, environmental impact (I) or degradation is caused by the combination of an already very large and increasing human population (P), continually increasing economic growth or per capita affluence (A), and the application of resource depleting and polluting technology (T).[2][3]
Environmental degradation is one of the ten threats officially cautioned by the High-level Panel on Threats, Challenges and Change of the United Nations. The United Nations International Strategy for Disaster Reduction defines environmental degradation as "The reduction of the capacity of the environment to meet social and ecological objectives, and needs".[4] Environmental degradation is of many types. When natural habitats are destroyed or natural resources are depleted, the environment is degraded. Efforts to counteract this problem include environmental protection and environmental resources management.

Sunday, December 11, 2016

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo boorama tegey

mr saylic madaweyne ku xigeenka iyo musharax xisbiga talada haya dalka somaliland iyo wufuuf baladhan oo booqasho ku tegay gobolka awdal magalo madaxdiisa borama oo si aan caadi ahayn loo soo dhoweyey ayaa shacabka kala hadlay goob fagaare ah
taaso ay in badan xaladaha dalka uga waramayey iyo abaaraha ka jira gobolada bariga somaliland.


BY..https://sanaagtodaypres.blogspot.com/

Saturday, December 10, 2016

xikmada ilahay bixiyo waa tan oo kale

waa ilmo yar oo gabadh ah siday uga jawaabayso su'aalaha diiniga ah daawo

Saadasha somaliland sanadka cusub ee inagu soo fool leh

marka laga hadlaayo dowlad ama dowladnimo
wax kasta oo is xukumaa maha dowlad laakiin hadii laga helo shuucda calaamka waafaqsan waxa la odhan karaa waa dowlad  waxana ka mida


  1. inay yeelado calaan oo astaan u ah dad iyo dalka
  2. inay yeelato goloyaal sharci dejineed iyo kuwo fulineed oo ah wasiiro
  3. inay yeelato ciidan suga nabada shacabka sharcigana ilaaliya waa booliska 
  4. inay yeelado ciidan melateri oo suga xududaha dalka 
  5. inay yeelado lacag ku qoran tahay dalka magaciisa
  6. inay yeelado xuduudo la yaqaan oo cayimadan
  7. inay ka dhacan doorasho xor iyo xalaal ah 
  8. inay gasho heshiisho calaami ah oo la geli karto dowlad ama hay'ado ama shirkado
  9. inay tahay dowlad saxaafadu tahay xor
  10. inay ka jirto xoriyadul qowl
  11. inay tahay dowlad ilaalisa xuquuda aadamiga
markan eego jamhuuriyada somaliland waxan odhan karaa waxaasa oo dhan iyo in ka badan ba waaa soo martay ama wayba samaysay oo ka soo gudubtay 11kaa qodob aan xusayba
laakiin caalamku waa iska indho tiray xuquuqdaa somaliland fulisay 
hadaba hadii sanadka  cusub ee 2017 doorashooyinka somaliland u dhacan xor iyo xalaal 
maxay somaliland ka faaiidaysaa? jawaabteedu waa iska cadahay inay faaiido ka helayso
ta ugu yar oo ah xidhiidhka beesha caalaamka oo sii hagaaga ayaaba faaiido ah

Warbixin “Gobol kasta waxa ka jirta xaalad cunto yaraaneed oo gaadhaysa 60%”


Warbixin “Gobol kasta waxa ka jirta xaalad cunto yaraaneed oo gaadhaysa

 60%

sawirkii-abaartaWakaaladda Qurbajoogga ee wasaaradda Khaarajiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay warbixin ay tafaasiil kaga bixisay baaxadda saameynta taban ee ka dhalatay abaarta baahsan ee ka jirta gobollada bariga Somaliland, waxaanay ku baaqday in dawlad iyo shicib-ba ay sii wadaan gurmadka iyo samato-bixinta dadka ku tabaaloobay abaaraha.
Wakaaladda qurbajoogu waxay ka hadleen xaaladda Biyaha, cuntadda iyo caafimaadka ee bulshadda abaareysan, sidaasna waxa lagu sheegay warbin dheer oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSl, Cabdi Cabdilaahi Xirsi (Dayaxweerar). Waxaanay warbixintiisa oo dhammaystirani u qornayd sidan:-“Waxaannu warbixintan kooban uga diyaarinnay bulshada inaanu kaga hadlo waxyaabihii aannu ku soo aragnay iyo natiijada nooga soo baxday hawlgal kormeer iyo qiimayn ahaa oo aannu Xafiis ahaan ku eegaynay saamaynta taban ee xaaladda abaartu ku yeelatay bulshada, dad iyo duunyaba gaar ahaan deegaannada gobollada bariga.
Ujeeddada kormeerkayagu waxay ku qotontay laba qodob oo kala ahaa qiimaynta abaarta iyo xoojinta qayla dhaanta gurmadka abaaraha ee gaar ahaan doorka qurbajoogga iyo qodobka labaad oo ahaa xog ogaal u noqoshada iyo qiimaynta waxqabadka iyo waxtarka qurbajoogga ee adeegyada deegaannada iyo degmooyinka qaarkood.
Waxa ka taagan dalka abaar caam ah oo xogteeda, xaaladeeda iyo warkeeda gude iyo debadba maanta laga ogyahay balse hadana waxa la yidhi “War Indhaa Dhaama “ ee maadaama ay waajibaadka xil iyo shaqada Wakaaladda ka midtahay inaanu hadba xaaladaha baahiyeed iyo dhibaatooyinka jira sida abaaraha iwm ku wargelinno qurbajoogga jaalliyadaha Somaliland kuna baraarujinno inay kala soo qaybgalaan dalkooda iyo dawladooda waxka qabashadeeda aannu si toos ah wax uga soo ogaanno, dadka la soo kulanno oo indhahayaga wax ku soo aragno.
Dhinaca kalena aannu si buuxda wax uga soo ogaanno oo xog ka soo hello heerka doorka qurbajooggu le’egyahay xagga dhismaha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee aas’aasiga ah ee deegaannada iyo degmooyinka gobolladaas oo ay ku jireen meelo aannu hore wax uga ogayn iyo dhinaca kale xaaladda guud ee adeegyada bulshooyinka deegaannadaas miyiga u badani siday yihiin iyo meelaha ugu daran haddii ay tahay waxbarashada, caafimaadka iwm ee ay tahay inaanu ku wacyigelinno jaalliyadaha qurbajoogga guud.
Haddii aan ku horreeyo xagga abaarta, waxa aniga guddoomiye ahaan iyo team aan hoggaaminayay ku soo marray kormeerkan oo aannu ka bilawnay dhulka gubanka ah ee gobollada Saaxil iyo Sanaag inka badan 80 deegaan oo ku kala yaalla 15 degmo iyo 7 gobol markaan ku daro Gobolka Maroodijeex oo aannu ka soo marray degmada Sabawanaag. Waxannu soo marray deegaanno ku yaalla Degmooyinka Xagal, Laasciidle, Huluul, Ceel Afweyn, Gar-adag, Ypgoori, Adhicadeeya, Caynabo, Qoryaale, Odweyne, Ballidhiig, Duruqsi, Xaaji Saalax, Raydab Khaatumo iyo Sabawanaag oo ku kala yaalla gobollada Saaxil, Sanaag, Sool, Togdheer, Saraar, Daad Madheeh iyo Maroodijeex.
http://www.somaliland.org/

Friday, December 9, 2016

ducada reer sanaag maxa loo aqbali waayey?

waxan soo joogay reer sanaag oo ducada iyo roobka jecel oo wax bixiya lkn tobankii sano ugu danbeyey waxad arkaysaa in khayrkii lagu yaaqaney aanay jirin hada oo xitaa xiliyada abaarta ganacsada reer sanaag ama ceerigaabo waxba kuma bixin taakulaynta dadka tabaalaysan ee u baahan biyaha iyo kaalamaynta dadka soo guuray ee u bahan gacan qabashada
xitaa booyad biyo ah may bixin ganacsada reer ceerigabo iyo weliba sherkadaha waaweyn ee laydhka iyo kuwa kale ee jooga gobolka
hadaan laysu naxariisan sidee ducada looga aqbalayaa ama ay naxariis u sugayaa
sakada oo la bixiyaa maalkay barakaysaa

by sanaagtodaypress. war tebiyaha xorta ah


https://sanaagtodaypres.blogspot.com/